U bood dhigaalka

Dhageyso: Nabadoon Axmed Diiriye Oo Madaxda Galmudug Ugu Baaqay Xasilooni Siyaasadeed

Sheeko:Dalka

Nabadoon Axmed Diiriye Cali oo kamid ah waxgaradka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa kasoo jeeda Galmudug ayaa ugu baaqay madaxda Galmudug iney la yimaadaan xasilooni siyaasadeed.

Nabadoonka oo wareysi siiyey Goobjoog News, ayaa sheegay iney soo jeedinayaan in dowladda Federaalka iyo sidoo kale dadkii dhistay maamulkaasi ay si cadaalad ah u kala dhexgalaan madaxda Galmudug, si loo xalliyo khilaafka jira.

Waxa uu sheegay Nabadoon Axmed Diiriye Cali, in wax laga xumaado ay tahay in khilaafkan yimid iyo sidoo  kale in hadda maamulka Gamudug halis ugu jiro inuu burburo.

“Arrintan jirta waa arrin culus, haddii maamulkaan uu burburana wax dambo oo meeshaasi kasoo baxaya ma jiraan, khilaafka wuu weynaanayaan, waxaan soo jeedineynaa in la dhexgalo khilaafkan” ayuu yiri Nabadoonka.

Waxaa jira khilaaf ka dhaxeeya madaxda Galmudug, kadib markii lagu kala aragti duwanaaday go’aan uu madaxweyne Xaaf ka qaatey xiisadda Khaliijka.

Halkaan hoose ka dhageyso:

Goobjoog News