U bood dhigaalka

Dhageyso: Ololaha Doorashooyinka Puntland Oo Saameeyey Muruq-maalka Garoowe

Sheeko:Dalka

Muruq-maalka ka shaqeeya magaalada Garoowe ee gobolka Nugaal ayaa sheegay in shaqooyinkoodii ay qaban jireen ay saameyn ku yeelatay ololaha doorashooyinka ka soconaya magaaladaasi.

Waxa ay sheegeen in mas’uuliyiinta badankood ay ku mashquuleen sidii ay qeyb uga noqon lahaayeen doorashooyinkaas, taaasina ay keentay in shaqa la’aan ay soo wajahdo.

Sidoo kale waxa ay tilmaameen in doorashooyinkii hore ee ka dhacay Puntland aanu wax saameyn ah ku yeelan, balse tani ay sabab u noqoto in shaqooyinkooda ciriir galaan.

Halkaan hoose ka dhageyso:

Goobjoog News