U bood dhigaalka

Dhageyso: ONLF “DFS Waxay Ku Hadashay Afkii Itoobiya”

Sheeko:Dalka

Ururka ONLF ayaa go’aamadii xukuumadda shalay ay shaacisay ku sheegay kuwa kasoo maaxday maskax Itoobiya ee aan ahayn mid dowladda ka yimid.

Afhayeenka ururkaasi Cabdulqaadir Sheekh Xasan Hirmooge ayaa wareysi uu siiyey Goobjoog News ku sheegay in wax lala yaabo ay tahay in Dowlad Soomaaliyeed ay ku sheegto Argagixiso.

Waxa uu soo hadal qaaday in xukuumadda Soomaaliya rajadii shacabku ay ka qabeen ay dhimatay oo madaxda ugu sarreysa dalka sida Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul wasaare Kheyre ay mas’uuliyaddaasi iska leeyihiin waa sida uu hadalka u dhigaye.

Waxaa uu aad u dhalleeceeyay madaxweynaha Soomaaliya iyo Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka.

Sidoo kale, Afhayeenka ayaa sheegay in Jeneraal Gabre iyo saraakiil kale oo Itoobiyaan ah ay soo qoreen warbixintii dowladda ee ku aadaneyd arrimaha Qalbi Dhagax.

Halkaan hoose ka dhageyso:

Goobjoog News