U bood dhigaalka

Dhageyso: ONLF: Dowladda Itoobiya Farogelinta Wey Ka Dhaaftay DDSI

Sheeko:Dalka

Jabhadda ONLF ayaa sheegtay iney dowladda federaalka Itoobiya ay joojisay farogelintii ay ku hayeen maamulka DDSI.

Afhayeenka jabhadda C/qaadir Xasan Hirmooge ayaa wareysi uu siiyey Goobjoog News wuxuu ku sheegay in hadda Soomaalida ay aayahadooda si gaar ah uga tashanayaan, islamarkaana uu socdo wadahadallada ay jabhaddooda la leeyihiin dowladda Itoobiya.

Dhanka kale, waxa uu tilmaamay Afhayeenka iney taageersan yihiin ka jabhad ahaan madaxweynaha cusub ee loo magacaabay dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya, islamarkaana ay la shaqeyn doonaan.

Hirmooge ayaa shacabka Soomaaliyeed ee DDSI ugu baaqay iney midnimo muujiyaan kana taliyaan aayahooda.

Halkaan hoose ka dhageyso:

Goobjoog News