U bood dhigaalka

Pro: Caalim “Hoggaan Caadil Ah Baa La Rabaa”

Sheeko:Dalka

Aqoonyahan Maxamed Maxamuud Nuur(Caalim) oo ah falanqeeye siyaasadda Soomaaliya iyo Afrika ayaa ka hadlay xaaladda uu dalka ku jiro iyo diyaargarowga loogu jiro doorashada madaxweynaha Soomaaliya.

Iyadoo dhowaan la doonayo in baarlamaanku ay soo xulaan madaxweynaha Soomaaliya ee afarta sano ee soo socota ayaa sheegay in loo baahan yahay hoggaamiye damiir leh oo dadka iyo dalka Soomaaliyeedba wax u qabta.

Aqoonyahan Maxamed Caalim ayaa sheegay in baarlamaanka federaalka u jeediyay inay soo xulaan qof xil kas ah oo garan kara masuuliyadda loo dhaarinayo inta ay la eg tahay iyo howsha qaran ee laga sugayo.

“Run ahaantii hoggaan Soomaaliya tusaale u noqda, oo cadaalad ah oo xafiiskiisa iyo gurigiisa cadaaladda laga dareemo, dadka uu u naxariisto, markuu hadlayo hoggaanka Soomaaliyeed inuu qiiroodo, oo uu ka qiiroodo dhibaatada jirta, faqriga jira, og inuu dhimanayo qofka noocaas ah ayay Soomaaliya u baahan tahay” ayuu yiri aqoonyanka oo la hadlay Goobjoog FM.

Halkan hoose ka dhageyso: