U bood dhigaalka

Dhageyso: Puntland Oo Dagaal Ugu Hanjabtay Somaliland

Sheeko:Dalka

Maamulka Puntland ayaa Somaliland ugu hanjabay dagaal haddii aysan joojin arrimaha doorashooyin ee ka soconaya gobollada Sool iyo Sanaag.

Wasiirka warfaafinta Puntland Cabdi Xirsi Cali Qarjab oo la hadlay Goobjoog News, ayaa sheegay in gobolladaasi ay yihiin kuwa hoostaga Puntland.

Waxaa uu sheegay in ay ka war hayaan masuuliyiin Somaliland ah oo waayadii dambe imaanayay degaanno ka tirsan gobolladaasi si ay uga dhacdo doorashooyinka Somaliland la filayo inay ka qabsoomaan.

Wasiir Qarjab waxa uu sheegay in Puntland ay tallaabo ka qaadi doonto Somaliland haddii aysan deynin daandaansi uu sheegay inay waddo, isagoo si cad u beeniyay in degaanno Sool iyo Sanaag ka tirsan ay yimaadaan masuuliyiin Somaliland ah.

“Puntland wixii Dastuurkeeda ku qoran xor bay u tahay iney difaacdo…Sool iyo Sanaag maa anay imaan madax Somaliland ah, mana imaan karaan, wixii yimaada waa wax dhib ka shaqeynaya…Itiraatiijiyad baan arrintaasi ka leenahay, marka inaan ciidan dirnay iyo in kale hadda halkaan kama sheegayo” ayuu yiri wasiirka.

Somaliland ayaa wadda diyaar garow ku aadan in gobollada Sool iyo Sanaag ay ka dhacdo doorashada maamulkaasi.

Halkaan hoose ka dhageyso

Goobjoog News