U bood dhigaalka

Dhageyso: Puntland Oo Ka Hadashay Dagaal Ka Dhacay Sool

Sheeko:Amniga

Maamulka Gobalka Sool ee Puntland ayaa sheegay in ciidamo ka tirsan Somaliland ay weerar gaadmo ah kusoo qaadeen meel u dhow Deegaanka Tukaraq ee gobolkaasi.

AbuAbukar C/raxmaan Geelle, guddoomiyaha gobolkaas ayaa xusay in dhankoda ay diyaar u yihiin in nabadda la qaato, balse dhanka Somaliland weli ay ku madax adeegeyso in Tukarraq ay iyagu weli maamulaan.

Waxa uu sheegay in coalad wax faa’ido ah aanu u lahayn Labada dhinac muhiimna ay tahay in la wada hadlo.

Puntland ayuu sheegay in dhankeeda ay xilli walbo goobeysa nabadda dadka Soomaaliyeed ee deriska ah, balse dhanka Somaliland loo taag la’ yahay.

Halkaan hoose ka dhageyso:

Goobjoog News