U bood dhigaalka

Dhageyso: Puntland Oo Ka Hadashay Dagaalka Ka Socda Tukaraq

Sheeko:Dalka

Maamulka Puntland ayaa ka hadlay dagaalka xooggan ee ka soconaya deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool, kaasi oo u dhaxeeya ciidamada maamulkaasi iyo kuwa Somaliland.

Wasiirka warfaafinta Puntland, Cabdi Xirsi Cali Qarjab oo warbaahinta kula hadlay magaalada Garoowe ayaa sheegay in dhankooda weerarka lagu soo qaaday, islamarkaana duulaanka ay lahayd Somaliland.

Waxa uu wasiirka tilmaamay in weli dagaalka uu socdo, islamarkaana ciidamada Puntland ay dib u riixeen kuwa Somaliland waa sida uu hadalka u dhigaye.

“Waxaa ciidamada Puntland soo weeraray kuwa Somaliland, ciidamada Somaliland dib baa loo riixay, dagaalkiina weli wuu socdaa, wixii faah faahin ahna dib baan kasoo sheegi doonnaa” ayuu yiri wasiir Qarjab.

Dhanka kale, wasiirka warfaafinta Puntland ayaa ku eedeeyey maamulka Muuse Biixi inuu mar walbo isku dayayo in dagaallo ay dhacaan islamarkaana dhiig uu daato.

Dhanka Somaliland weli wax war rasmi ah kama aanay soo saarin dagaalkan ka socda Tukaraq.

Halkaan hoose ka dhageyso:

Goobjoog News