U bood dhigaalka

Dhageyso: Puntland Oo Sheegaty Inay Maxaabiis Ka Siideysay Saldhigga Laascaanood

Sheeko:Amniga

Guddoomiyaha Gobolka Sool ee Puntland Abuubakar Cabdi Geele ayaa sheegay in ciidamo ka tirsan Puntland ay xalay weerar ku qaaadeen labo Saldhig oo ku yaalla Magaalada laascaanood.

Waxaa uu Guddoomiye Geelle hoosta ka xariiqay in labada Saldhig ka siidaayeen maxaabiis u xirneyd  Somaliland kuwaasi oo ay saldhigga kala wareegeen.

Mar uu arrintaasi ka hadlayay guddoomiyaha waxaa uu yiri “ Qaar ka mid ah ciidamada Puntland ayaa xalay waxay howlgallo ka fuliyeen magaalada Laas caanood, ciidamada Puntland waxay weerareen oo ay qabteen labo saldhig oo ku yaalla magaalada Laas-caanood, iyaga oo ka sii daayey maxaabiistii oo dhan waxayna ahaayeen dad xaq darre ku xirnaa”.

Hadalka guddoomiyaha gobolka Sool ayaa imaanaya iyada oo xalay ciidamada Puntland ay weerareen labo saldhig oo ku yaalla magaalada Laas-caanood waxayna la wareegeen saldhigga magaalada iyagoo ka sii daayey maxaabiis ku xirneyd.

 

 

 

 

Goobjoog News