U bood dhigaalka

Dhageyso: Qaar Ka Mid Ah Xildhibaannada Hirshabelle Oo Sheegaya In Amni Darrada Ka Jirta Wadada Isku Xirta Muqdisho Iyo Jowhar Ay Kula Xisaabtami Doonaan DFS

Sheeko:Amniga

Wadada dheer ee isku xirta Muqdisho iyo Jowhar waxay halbowle u tahay isku socodka ganacsiga Gobolka Sh/ dhexe sidoo kale waxay tahay marin ay isticmaalaan Mas’uuliyiinta maamulka Hirshabelle marka ay doonayaan inay soo aadaan Magaalada Muqdisho.

Xilligan wadada waa ay go’antahay waxaana weeraro ka geysta dagaalyahanno ka tirsan Al-shabaab kuwaasi oo beegsada gaadiidka ay la socdaan madaxda Maamulka Hirshabelle.

Dhowaan ayay aheyd Markii Xildhibaanno iyo ciidamo ka tirsan Hirshabelle lagu dilay wadada xiriirisa Muqdisho iyo Jowhar ka dib markii ay Al-shabaab weearar ay ku qaadday gaadiid ay la socdeen.

Xildhibaannada Maamulka Hirshabelle ayaa sheegay in amni xumada ka jirta wadada ay kula xisaabtami doonaan dowladda Fedaraalka Soomaaliya iyaga oo tilmaamay inay ka gaabisay sugidda amniga wadada isku xirta Muqdisho iyo Jowhar.

 

 

 

 

Goobjoog News