U bood dhigaalka

Dhageyso: Qaar Kamid Ah Shaqaalaha Dekadda Muqdisho Oo Ka Cabanaya Cadaalad Darro

Sheeko:Dalka

Qaar kamid ah shaqaalaha dekadda magaalada Muqdisho ayaa cabasho ka muujiyey cadaalad darro ay sheegeen in ay ka jirto dekaddaasi.

Qaar kamid ah shaqaalahan oo la hadlay Goobjoog News, ayaa sheegay in markii ay timid shirkadda Albayrak laga soo saaray shaqadooda, islamarkaana dedaal badan oo ay sameeyeen kadib ay hay’adaha dowladda qaar aqbaleen in shaqadooda lagu celiyo balse weli aanay arag cid wax u qabata.

Waxay tilmaameen in Arbacadii shalay ay dhigeen banaanbax ay ku muujinayeen cabashadooda, maadaama ay yihiin shaqaalihii Albaabka dekadda laga soo xirtay, balse dowladda ay jawaab uga dhigtey in la xiro 18 iyaga kamid ah kuwaasi oo weli ku xiran saldhigga Afar Irdood ee degmada X/weyne.

Sidoo kale shaqaalahan ayaa ka codsaday madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya in sida ugu dhaqsiyaha badan ay wax uga qabtaan arrintaan.

Halkaan hoose ka dhageyso:

Goobjoog News