U bood dhigaalka

Dhageyso: Qaar Kamid Ah Xildhibaannada Puntland Oo Baaq Nabadeed Ka Diray Coladda Sool.

Sheeko:Dalka

Maamullada Puntland iyo Somaliland, oo dhinacyada dirirta u dhaxeysa ay dhex-degan yihiin ayaa lagu eedeeyay inaysan xil iska-saarin, islamarkaana muhiimad siinin xalinta colaadda dhiiga ku daadanaya.

Xildhibaanno katirsan Baarlamaanka dowladda Puntland iyo siyaasiyiin ayaa baaq nabadeed u diraya beelaha walaalaha ah ee ku dagaallamaya degaanka Dhumay ee duleedka magaalada Laascaanood.

Waxay dalbadeen Xildhibaannada in dagaalkani la joojiyo oo waxgaradka gobolka Sool ay kacaan si khasaaraha loo hakiyo.

Shir jaraa’id oo ay warbaahinta kula hadleen ayay si gaar ah waxgaradka gobolka Sool gaar ahaan magaalada Laascaanood uga codsadeen in arrintani qaboojinteeda ay u istaagaan.

HALKAN HOOSE KA DHAGEYSO:

Goobjoog News