U bood dhigaalka

Dhageyso: Qabanqaabada Shirka Madaxda Dowlad Goboleedyada Oo Ka Socota Kismaayo

Sheeko:Dalka

Madaxda dowlad goboleedyada ayaa Todobaadkan waxa uu shir ballaaran uga furmi doonaa magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Shirkan oo ay martigelinayso dowlad goboleedka Jubbaland ayaa waxaa looga hadli doonaa arrimo badan oo xaaladda dalka ku saabsan.

Magaalada Kismaayo waxaa maanta aad looga dareemayaa u diyaar garowga martigelinta shirkan, iyadoo ammaanka guud ee magaalada la adkeeyey.

Sidoo kale, shacabka Kismaayo ayaa wada olole ballaaran oo lagu nadiifinayo waddooyinka magaaladaasi.

Maanta ayaa la filayaa in Kismaayo ay tagaan wafdi horudhac u ah madaxda dowlad goboleedyada ee shirkan ka qeybgalaya.

Halkaan hoose ka dhageyso:

Goobjoog News