U bood dhigaalka

Dhageyso: Qabashada Araajida Musharraxiinta Madaxweynaha K/galbeed Oo Maanta La Bilaabayo

Sheeko:Dalka

Maanta oo Axad ah ayaa waxaa si rasmi ah uga bilaabaneysa magaalada Baydhabo ee gobolka Baay qabashada araajida musharraxiinta u taagan xilka madaxweynaha ee maamulka Koonfur Galbeed.

Waxaa la filayaa in musharraxiinta ay ka faa’ideystaan mudada loo qabtay iney isku diiwaangeliyaan, maadaama doorashada madaxweynaha K/galbeed ay kaabiga soo hayso.

Shuruudaha musharraxiinta laga doonayo waxaa ka mid ah iney iska soo casilaan haddii ay xilal kale hayaan, iyadoo la ogyahay inuu musharraxiinta ka mid yahay wasiir ka tirsan xukuumadda federaalka Soomaaliya.

Halkaan hoose ka dhageyso warbixin uu soo diray wariyaheena C/qaadir War-cadde.

Goobjoog News