U bood dhigaalka

Dhageyso: Qiimo Koror Ku Yimid Kalluunka Suuqyada Kismaayo

Sheeko:Dalka

Sare u kac ballaaran ayaa laga dareemayaa qiima Kalluunka Suuqyada magaalada Kismaayo ee xarunta jubbada hoose.

Xilliga lagu magacaabo Bad-xiranka oo cimilladu badda ay is bedelaan ayaa lagu jiraa sidaasna waxaa Goobjoog News u sheegay Kalluumeysatada Kismaayo.

Kalluumeystada ayaa sheegay in sare u kaca ku yimid qiimaha Kalluunka loo aaneynayo dabeylaha ka jira xeebaha Soomaaliya taasi oo keeneysa in ay qallibmaan doomaha.

Kiilada kalluunka ayaa markii hore Suuqyada Kismaayo waxaa ay ka joogtay qiimo dhan $2 dollar, halka hadda aa mareyso Kiiladii qiimo dhan $5dollar.

 

 

 

 

Goobjoog News