U bood dhigaalka

Dhageyso: Qoysas Ka Soo Barakacay Colaadda Marko Oo Xaalad Liidata Wajahaya

Sheeko:Dalka

Ku dhowaad 500 oo qoys oo ka soo hayaamay colaado ka jira qeybo kamid ah gobolka Shabeellaha Hoose ayaa ku tacdareysan magaalada Muqdisho.

Qoysaskani oo u badan carruur, haween iyo dad da’ ah ayaa la soo sheegayaa in ay degaansadeen qeybo kamid ah degmada Kaxda iyo sidoo kale duleedka Muqdisho sida Tareedisho.

Waxaa hadda Goobjoog News soo gaartay in Haweeneey kamid ahayd dadkii ka soo cararay colaadaha magaalada Marko ay ku geeriyootay kaam ku yaalla degmada Kaxda kaddib markii dhiig la’aan ay wajahday, waxaana lagu soo warramayaa in hooyadu ay fool ahayd.

Maama Muslimo Axmed oo kamid ah dadka halkaas ku sugan ayaa Goobjoog News u sheegtay in dadkaasi ay aad ula liitaan nafaqo darro baahsan.

HALKAN HOOSE KA DHAGEYSO: