U bood dhigaalka

Dhageyso: Qoysas Kasoo Cararay Al-shabaab Oo Soo Gaaray Deegaanka Awdiinle, Baay

Sheeko:Amniga

Boqolaal qoys oo kasoo barakacay deegaanno ka mid ah gobolka Baay ayaa gaaray deegaanka Awdiinle ee gobolkaasi.

Cali Xuseen Cali oo ah guddoomiyaha deegaankaasi oo la hadlay Goobjoog wuxuu sheegay iney soo dhoweeyeen dadkan, ayna u sameynayaan dejin.

Waxa uu tilmaamay guddoomiyaha in dadkan sababaha ay usoo carareen ay tahay kadib markii Al-shabaab ay dalbadeen in caruurtooda ku wareejiyaan.

“Waxay kasoo carareen Al-shabaab oo doonaya in caruurtooda ka qaataan, waxaan dejinnay hadda deegaanka” ayuu yiri guddoomiyaha.

Dadka xaaladooda ayaa ah mid adag, waxayna u baahan yihiin gurmad degdeg ah oo isugu jira cunto, biyo iyo sidoo kale in laga caawiyo deegaanka.

Halkaan hoose ka dhageyso:

Goobjoog News