U bood dhigaalka

Dhageyso: Qoysaskii Ka Barakacay B/weyne Oo Sheegay In Aysan Weli Helin Wax Gurmad Ah

Sheeko:Dalka

Qoysaskii dhowaan ka barakacay fatahaadda Wabiga Shabelle ee B/weyne ayaa sheegay in aanay weli helin wax gurmad ah, xilli ay xaaladooda meel adag mareyso.

Waxa ay sheegeen in tan iyo intii ay ku barakaceen deegaanka Ceel-jaalle aanay helin wax gurmad ah sida bacaha iyo raashiin oo hadda noloshooda u muhiim ah.

Dhanka kale,  maamulka gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in ay weli wadaan dedaallo ku aadan sidii loogu gurman lahaa dadkan.

Wariyaheenna Maxamed Ibraahim ayaa soo sheegaya in waxyaabaha hadda dadkan ugu daran ay tahay guryo ay si KMG ah u degaan, cunto iyo caafimaad.

Guddiga gurmadka qaran ee fatahaadda Wabiga Shabelle ayaa sheegay in Khamiista berry ah ay magaalada B/weyne geyn doonaan gurmadkii ugu horreeyay.

Halkaan hoose ka dhageyso:

Goobjoog News