U bood dhigaalka

Dhageyso: Rag Dhuxul Ka Shaqeynayey Oo Lagu Diley J/hoose

Sheeko:Dalka

Ciidamada Booliiska Jubbaland ayaa wada raadinta rag hubeysan oo la sheegay in deegaanka Buulo-gaduud ee gobolka Jubbada Hoose ku dileen ku dhowaan Shan nin oo ka shaqeynayey shidista dhuxusha.

C/fitaax Axmed Aadan, taliyaha saldhigga Booliiska ee Buula-gaduud ayaa u sheegay Goobjoog News, in ciidamada ammaanka ay wadaan howlgallo ballaaran.

Wuxuu sheegay in ragga falkaasi ka dambeeyey ay uga shakisan yihiin iney ka tirsan yihiin Al-shabaab balse ay dib ka baari doonaan.

Lama oga cidda ka dambeysay raggan ka shaqeynayey dhuxusha iyo sidoo kale sababta loo diley.

Halkaan hoose ka dhageyso:

Goobjoog News