U bood dhigaalka

DHAGEYSO: Ra’iisul Wasaare Kheyre Oo Ka Hadlay Qabyaaladda

Sheeko:Dalka

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa sheegay in qabyaaladda ay dhibaato badan u geysatay dalka, burburkii dalka soo marayna uu sabab u noqday in dadku ay aqbalaan waxyaabo aan caadi ahayn.

Wuxuu sheegay Ra’iisul wasaaraha in qabiilka aanu dalka horumar gaarsiin karin, sidoo kalena uu yahay xeendaabka dad aad garaneysoi wejiyadooda.

“Dowladnimadu waxay tahay inaad la tartanto aduunyada inteeda kale, annaga burburkii ina soo maray ayaa waxa uu inoo keenay dhibaato badan, dhibaatooyinka uu inoo keenay waxay tahay inaan aqbalno in wax aan caadi ahayn ay caadi inoola muuqdaan, inaan aqbalno inaan jidad haysan, Isbitaal Haysan, inaan iskuul haysa, in caruurteennu ay haystaan fursad ka liidata caruurta kale, in qabyaaladdu ay ka horreyso caqiiqadada, in qabyaaladdu ay noqoto waxa la isku garto ama waxa lagu faaniyo qof in uu wax qaban karo iyo in kale, in Soomaalinimada iyo Qabyaaladdu ay xoog badnaato qabyaaladda, dhibkaasi ayaan soo marnay, dhibkaas sida kale marka oo lagu dumin karo waxay tahay inaan ogaanno in qabiilku sidiisaba aanu xuduudda kaa gudbin karin, in qabiilku uusan kuu yeeli karin han, in qabiilku kaliya uu yahay xeyndaab dad aad garaneysid wejiyadooda, adduunyaduna waxay mareysaa adduunyo isku furan oo si Xamar uga shaqeysato ay qasab tahay inaad ogtahay qaaradaha kale ee adduunyada kale wixii ka dhacay xalayto, sidaasi daraadeed waa in indhaha la furaa haddii aan nahay dadkeenna Soomaaliyeed”

Ra’iisul wasaaraha ayaa sidoo kale sheegay in xukuumaddiisa ay ka shaqeyneyso sidii loo ciribtiri lahaa qabyaaladda.

Halkaan hoose ka dhageyso

Goobjoog News