U bood dhigaalka

Dhageyso: Ra’iisul Wasaare Kheyre Oo Sheegay In Xuukuumaddiisa La Timid Isbedal La Taaban Karo

Sheeko:Dalka

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre ayaa sheegay in mudadii ay jirtay xukuumaddiisa ay qabatay howlo badan oo aad u muhiim ah.

Wuxuu sheegay Ra’iisul wasaaraha sheegay in markii ugu horreysay dalka uu yeelan doono guddi madaxbanaan oo la dagaallama Musuqa, xaqna u yeelan doona iney soo xeraan cid walbo oo qiyaameysa hantida qaranka.

Sidoo kale wuxuu sheegay in baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ay u gudbiyeen Hindise sharciyeedyo muhiim ah, islamarkaana qaarkood la meelmariyey.

Mar uu ka hadlay Ra’iisul wasaaraha arrimaha amniga ayuu sheegay in markii ugu horreysay magaalada Muyqdisho amnigeeda lagu sugo awood, maskax iyo dhaqaale Soomaaliyeed.

Waxa uu Ra’iisul wasaaraha oo ka hadlayey miisaaniyadda 2018 ayuu sheegay iney ka duwan tahay kuwii hore ee la gudbin jiray, ayna ku jirto in la kordhiyey lacagtii amniga ayna qoondeeyaan lacag looga shaqeeyo sirdoonka dalka oo kaliya.

Dhanka horumarinta bulshada ayuu sheegay in miisaaniyadda lagu daray dhaqaale lagu dhisayo Iskuullo iyo waxbarasho kuwaasi oo laga soo qaaday shacabka Soomaaliyeed.

Halkaan hoose ka dhageyso hadalka Ra’iisul wasaare kheyre

Goobjoog News