U bood dhigaalka

Dhageyso: Rajo Laga Qabo In La Soo Afjaro Colaadda Dhumay

Sheeko:Amniga

Waxgarad dhowaan nabadeyn u tagay deegaanka Dhumay ee Sool ayaa rajo ka muujiyey xallinta dagaallo halkaasi ka dhacay.

Garaad C/laahi Maxamed Guuleed oo ka soo noqday deegaanka Dhumay ayaa Goobjoog News u sheegay in la kala qaaday maleeshiyaadkii dagaallamay, ayna socoto dhaqangelinta heshiiskii la gaaray.

Garaad C/laahi waxaa uu sheegay in dadkii ka qaxay deegaanka uu dagaalka ka dhacay dib loogu soo celin doono guryahoodii isaga oo dhanka kale tilmaamay in rajo weyn ka qabaan soo afjaridda Colaadaan oo Muddo ka jirtay deegaanka Dhumay ee gobolka Sool.

Dagaalkan ayaa waxaa uu bilowday Jimcadii la soo dhafay isag oo ka dhacay deegaanka Dhumay ee gobolka Sool waxaana ku dhintey ku dhowaad 20 qof, iyadoo ay ku dhaawacmeen tiro intaa ka badan.

Waxgaradka iyo Culimada ku dhaqan gobolka Sool ayaa waxaa ay sheegeen in ay wadaan wadahadallo lagu qaboojinayo dagaalka u dhaxeeya Maleeshiyaadka.

Dagaal beeleedkani oo u dhaxeeya malleeshiyaad kasoo kala jeeda laba beelood oo dirirtoodu soo laablaabtay ayaa waxaa la sheegay inay salka ku hayso aanooyin iyo dilal hore, oo heshiisyo horey looga gaarey fuli waayay.

Labada dhinac ma ahan markii ugu horeysay oo dagaal uu dhexmaro, midka hadda socda ayaa qeyb ka ah dagaallo mudo soo jiitamayay, oo sababay khasaarooyin dhimasha, dhaawac iyo barakac xooggan.

 

 

 

Goobjoog News