U bood dhigaalka

Dhageyso: Saameyn Sidee Ah Ayuu Soomaali Ku Yeelan Karaa Kulankii Madaxda Imaaraadka, Itoobiya Iyo Eretria?

Sheeko:Dalka

Shalay, magaalada Abu Dhabi waxaa kulan ballaaran ku yeeshay madaxda ugu sarreysa ee dalalka Itoobiya, Eretria iyo Imaaraadka, iyaga oo ka wadahadlay arrimo badan oo ku saabsan xiriirkooda iyo sidoo kale tan gobolka.

Hadaba su’aasha meesha taagan ayaa waxay tahay saameynta kulankaan uu ku yeelan karo Soomaaliya, maadaama la ogyahay in aanu wanaagsaneyn xilligaan xiriirka Soomaaliya iyo Imaaraadka.

Axmed C/risaaq Qamsa waa aqoonyahan Soomaaliyeed oo waxbadan kala socda arrinta gobolka, wuxuuna sheegay in Soomaaliya arrintaan si weyn u saameyn karto.

Waxa uu tilmaamay in dalalka gobolka oo horumar sii gaaraya ay Soomaaliyana weli kasoo kabsan la dahay burburkii 1991.

Sidoo kale, arrintaan ayuu sheegay in si weyn u saameyn karto Jabuuti, maadaama dhaqaale badan ka heli jirtay dhanka Itoobiya oo isticmaalayey dekadaheeda.

Halkaan hoose ka dhageyso:

Goobjoog News