U bood dhigaalka

Dhageyso: Sababta Ciidanka Kenya Uga Baxeen Deegaanka Busaar Ee Gedo

Sheeko:Amniga

Saraakiisha ciidanka dowladda federaalka Soomaaliya ee ku sugan degmada Ceel-waaq ee gobolka Gedo ayaa faah faahin ka bixiyey sababta ay ciidanka Kenya uga baxeen deegaanka Busaar ee gobolkaasi.

Korneel Warfaa Sheekh Aadan Faroole oo ah taliyaha ciidanka DFS ee aagga degmada Ceel-waaq ayaa sheegay in sababo ciidan ay u baxeen ciidanka Kenya, sidoo kalena ay halkaasi isaga baxeen ciidanka DFS.

Wuxuu sheegay in halkaasi ay ciidankan gabi ahaanba isaga guureen, ayna yimaadeen ciidanka dhanka degmada Ceel-waaq.

Ciidanka Kenya ayaa deegaankaasi la wareegay sanadkii 2012-kii, sanad kadib markii ay gudaha usoo galeen Soomaaliya.

2-dii bishan ayeey ahayd markii ay ciidamada Kenya isaga baxeen deegaanka Fafax-dhuun ee gobolka Gedo.

Halkaan hoose ka dhageyso:

Goobjoog News