U bood dhigaalka

Dhageyso: Senator Raage “Xeer Ilaalinta Waxay u Muuqataa Iney Dad Gaar Ah Beegsaneyso”

Sheeko:Baarlamaanka

Senator Maxamed Xuseen Raage oo ka mid ah mudanayaasha aqalka sare ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in xeer ilaalinta qaranka ay u muuqato iney beegsaneyso dad kasoo jeeda beello gaar ah.

Waxa uu sheegay in si qalad ah oo aan sharciga qabin loo xiray shaqaale ka tirsan dekadda Muqdisho, wuxuuna sheegay in dadkaasi aanay wax dambi ah gelin.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay Senatarka in aanay jirin wax baaritaan ah oo ay sameysay xeer ilaalinta, isaga oo ugu baaqay madaxda sare ee dowladda federaalka in arrimahan ay soo farogeliyaan.

Ugu dambeyn, Senator Maxamed Xuseen Raage ayaa ku baaqay in marka qof mas’uul dowladeed ah la xirayo loo maro sifo sharci ah iyo baaritaanno.

Halkaan hoose ka dhageyso:

Goobjoog News