U bood dhigaalka

Dhageyso: Shacabka B/weyne Oo Farriin u Direy Maamulka Hiiraan

Sheeko:Dalka

Qaar ka mid ah shacabka ku dhaqan magaalada B/weyne ayaa ka dalbaday maamulka gobolka Hiiraan in si degdeg ah wax looga qabto burburka garoonka diyaaradaha ee magaaladaasi.

Waxay sheegeen in wax laga xumaado ay tahay in muddo ka badan 15 cisho ka badan aanu shaqeyn garoonkan, islamarkaana ay dadka kasoo degaan garoonka degmada Dhuusamareeb.

Dadkan ayaa dalbanaya in garoonka laga qabto biyaha roobka, maadaama ay biyo badan fariisteen, diyaaradahana aanay kasoo degi karin.

Garoonka B/weyne ayaan muddooyinkaan shaqeyn kadib markii roobabkii ka da’ay magaaladaasi ay biyo dhigeen dhabihii diyaaraddu ku degi lahayd.

Halkaan hoose ka dhageyso: