Dhageyso: Shacabka Kismaayo Oo Dalbaday In Waddooyinka Loo Furo

Shacabka ku dhaqan magaalada Kismaayo ayaa sheegay in culeys badan ay la kulmeen shalay iyo maanta oo ay xiran yihiin waddooyinka muhiimka ah ee magaaladaasi.

Qaar ka mid ah shacabkan oo la hadlay Goobjoog News, ayaa sheegay in ay lugeynayaan iyaga oo doonaya meello fog oo magaaladaasi ah.

Waxa ay sheegeen dadkan in ay wanaagsan tahay in la sugo amniga magaalada, balse shacabkuna u baahan yihiin iney helaan meello ay maraan oo gaadiidka ka shaqeeya.

Ciidamada ammaanka Jubbaland ayaa xiray waddooyinka magaalada Kismaayo, waxaana hakad ku jira isku socodka gaadiidka ee magaaladaasi.

Ulajeedka waddooyinka loo xiray ayaa ah shirka madaxda dowlad goboleedyada ee maanta la filayo inuu ka furmo magaalada Kismaayo.

Halkaan hoose ka dhageyso:

Goobjoog News

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW