U bood dhigaalka

Dhageyso: Shacabka Muqdisho Oo Ka Aragti Dhiibanaya Lacagaha Cusub Ee Dowladda Ay Soo Daabaceyso

Sheeko:Dalka

Shacabka ku nool magaalada Muqdisho ayaa waxay ka aragti dhiibteen calagta cusub ee dowladda Federaalka Soomaaliya ay soo daabici doonto dhowaan.

Qaar ka mid ah Shacabka oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay inay soo dhaweynayaan lacagta cusub iyaga oo tilmaamay in ay tahay arrintan mid wangaasan maadaama lacagtii hore ay noqotay mid duugowday.

Shacabka waxaa ay sheegeen in lacagta cusub ay ka qeyb qaadaneyso kobcinta dhaqaalaha dalka balse waxaa ay tilaameen in la helo Bankgii dhexe si loo maareeyo lacagta.

Dhowaan ayey aheyd markii wasiirka wasaaradda Maaliyadda Cabdiraxmaan Ducaale Beyle uu sheegay in ay soo daabici doonto wasaaradda lacago cusub oo Shilin Soomaali ah.

 

 

 

 

Goobjoog News