U bood dhigaalka

Dhageyso: Shacabka Muqdisho Oo Ka Aragti Dhiibtay Shirkii Usoo Dhammaaday Dowladda Iyo Maamul Goboleedyada

Sheeko:Dalka

Qaraa kamid ah shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho ayaa ka aragti dhiibtay shirkii shalay magaalada Muqdisho ugu soo dhammaaday maamul goboleedyada dalka iyo dowladda Federaalka Soomaaliya.

Dadkaan oo la hadlay Goobjoog News, ayaa badi soo dhoweeyay shirkaan, balse waxay dhiibteen aragtiyo ku aadan hannaanka loo sii amba qaadi karo fulinta heshiiska.

Waxay ku baaqeen in madaxda dalka ay fuliyaan wax walbo oo lagu heshiiyey, xooggana la saaro waxyaabaha ugu muhiimsan ee laga wadahadlay.

“Waxay danta ku jirtaa in aysan iyagu is khilaafin oo dantoodu ay ku jirto, khilaafna wax ma dhisayo” sidaasi waxaa yiri mid kamid ah dadkii la hadlay Goobjoog.

Dowladda Federraalka iyo maamul goboleedyada waxay ku shireen magaalada Muqdisho 28-kii October illaa iyo 5-tii November, 2017, waxaana shirkaasi kasoo baxay qodobo dhowr ah.

Halkaan hoose ka dhageyso:

Goobjoog News