U bood dhigaalka

Dhageyso: Shacabka Muqdisho Oo Ka Aragti Dhiibtey Mooshinka Laga Keenay Guddoomiye Jawaari

Sheeko:Dalka

Qaar ka mid ah shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka ayaa aragti kala duwan ka dhiibtey mooshinka ay xildhibaanno ka mid ah golaha shacabka ay ka keeneen guddoomiye Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari.

Waxay dadkan qaarkood qabaan in mooshinkaan yahay mid lagu degdegay, islamarkaana hadda loo baahnaa in loo midoobo horumarka dalka.

Sidoo kale, shacabka qaarkood ayaa sheegay in mooshin la keeni karo, loona baahan yahay in si sharci ah wax loo qabto, balse aanay eegin mudanayaasha danahooda gaarka ah.

Guddoomiyaha golaha shacabka, Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, waxaa ka yaalla mooshin isaga ka dhan ah, inkastoo weli aan lagu dhowaaqin waqtiga loo codeyn doono.

Halkaan hoose ka dhageyso:

Goobjoog News