U bood dhigaalka

Dhageyso: Shacabka Muqdisho Oo Ka Hadlay Ololaha Doorasho Ee Waqtigiisa Kasoo Hormaray

Sheeko:Dalka

Shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho ayaa ka aragti dhiibtay ololaha doorasho ee xilligaan waqtigiisa kasoo hormaray, kaasi oo si weyn looga dareemay magaalada Muqdisho.

Qaar ka mid ah shacabkan ayaa sheegay in siyaasiyiinta iyo sidoo kale dowladda ay mashquul ku noqotay ololahan, bedalkii dalka wax loo qaban lahaa.

Waxa ay tani ku tilmaameen arrin la doonayo in lagu hakiyo shaqooyinkii shacabka ay ka sugayeen dowladda, islamarkaana hadda la isku sii diyaariyo doorasho aan xilligeeda la gaarin, taasi oo ah 2020.

Ugu dambeyn, qaar ka mid ah shacabka la hadlay Goobjoog ayaa ugu baaqay cid walbo oo arrimahan ku lug leh iney ololaheeda la sugto xilliga loogu talogalay, inta ka horreysana ay ka shaqeeyaan howlaha kale ee dalka u baahan in loo qabto.

Halkaan hoose ka dhageyso:

Goobjoog News