U bood dhigaalka

Dhageyso: Shacabka Oo Ka Aragti Dhiibtay Shirka Kismaayo

Sheeko:Dalka

Qaar kamid ah shacabka Soomaaliyeed oo la hadlay Goobjoog News, ayaa aragti kala duwan ka dhiibtay shirka maamul goboleedyada uga socda magaalada Kismaayo ee gobolka Jubada Hoose.

Waxay shacabkan qaarkood sheegeen in shirkaan uu muhiim u yahay maamul goboleedyada, islamarkaana xaq u leeyihiin iney ka tashadaan aayahooda.

Dadkan ayaa sheegaya in dowladda dhexe ay cadaadiska ka deyso maamul goboleedyada, maadaama xildhibaannada qaranka laga soo doortay maamullada ku shirsan Kismaayo.

Qaar kale oo kamid ah shacabka aragtidooda dhiibtey ayaa kula taliyey maamul goboleedyada dalka ineysan qalqal cusub oo siyaasadeed dalka u keenin, ayana wadahadal la furaan dowladda Federaalka Soomaaliya.

Halkaan hoose ka dhageyso:

Goobjoog News