U bood dhigaalka

Dhageyso: Shan Qof Oo Lagu Diley Duleedka Magaalada Muqdisho

Sheeko:Amniga

Wararka ka imaanaya deegaanka Lafoole ee duleedka magaalada Muqdisho ayaa waxay sheegayaan in halkaasi lagu diley Shan qof oo la socday gaari yar.

Rag hubeysan oo indhaha soo xirtay ayaa la sheegay in ay joojiyeen gaarigan oo ka yimid degmada Wanlaweyn kuna soo socday magaalada Muqdisho.

Waxa ay soo dejiyeen dhammaan dadkii saarnaa gaarigaasi, waxay fasaxeen darawalkii gaariga wadey, waxaana ay toogteen Shantii qof ee kale.

Mukhtaar Nuur Geesey oo ah guddoomiye ku xigeenka dhanka arrimaha bulshada ee maamulka Lafoole ayaa u sheegay Goobjoog in ay baxsadeen raggii dilkaasi fuliyey ayna ku raad joogaan.

Geesey ayaa sheegay in tani ay la xiriirto dagaal beeleed ka dhacay degma Wanlaweyn ee gobolka Shabellaha Hoose.

Halkaan hoose ka dhageyso:

Goobjoog News