U bood dhigaalka

Dhageyso: Shariif Roobow “Ciidanka Xasilinta Wuxuu u Ekaa Sida Guul-wade”

Sheeko:Amniga

Shariif Roobow oo ah qabiir dhanka amniga ayaa wareysi uu siiyey Goobjoog News wuxuu ku sheegay in ciidanka xasilinta Muqdisho aysan ahayn kuwo dastuuri ah, balse ahaayeen kuwo la sameystay oo caburin dadka ku hayey.

Waxa uu tilmaamay Shariifka in ciidamadan ay u ekaayeen oo sida Guul-wade, loona baahnaa dowladda in mar hore ogaato muhiimmadda iney ahayd in la tayeeyo ciidamada kale.

Sidoo kale, Shariif ayaa sheegay in ciidanka Nabad sugidda loo baahnaa inaan dadka laga aqoonsan, ayna ahaadaan kuwo dadka ku dhexmilan, isaga oo sharci darro ku tilmaamay ciidan nabad sugid ah, misane hubeysan oo gaadiid dagaal oo la yaqaan wata.

Shariif Roobow ayaa booriyey qorshaha uu hadda wado madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ah wax ka bedalka amniga Muqdisho iyo dib u habeynta ciidamada.

Halkaan hoose ka dhageyso:

Goobjoog News