U bood dhigaalka

Dhageyso: Shariif Xasan Oo La Kulmay Wakiillada UN Iyo AU Ee Soomaaliya

Sheeko:Dalka

Mas’uuliyiin ka socotay Qaramada Midoobay iyo Midowga Africa ayaa maanta magaalada Baydhabo kulan arrimo badan looga hadlay kula yeeshay madaxweynaha K/galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Wakiilka Cusub ee Qaramada Midoobay dhawaan u soo Magacaawday Soomaaliya Nicholas Haysom  iyo Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya Francisco Madeira ayaa Shariif Xasan kala hadlay arrimo ay ka mid yihiin ammaanka, khilaafka dowladda iyo maamul goboleedyada iyo arrimo kale.

Waxaa sidoo kale kulankan lagu soo hadal qaaday doorashada la filayo iney dhowaan ka dhacdo magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Madaxweyne Shariif Xasan ayaa si kooban saxaafadda uga warbixiyey waxyaabihii ay ka wadahadleen mas’uuliyiintaasi, isaga oo aad ugu mahadceliyey UN iyo AU.

Halkaan hoose ka dhageyso:

Goobjoog News