U bood dhigaalka

Dhageyso: Shirka Amniga Maamul Goboleedyada Oo Maanta Lagu Soo Gabagabeynayo Kismaayo

Sheeko:Dalka

Maanta oo Khamiis ah ayaa lagu wadaa in magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose lagu soo gabagabeeyo shirka amniga ee dowlad goboleedyada.

Waxaa shirkan ka qeybgalaya wasaradaha amniga ee dowlad goboleedyada Puntland, Jubbaland, Galmudug iyo sidoo kale K/galbeed.

Waxa uu daba socdaa shirkan mid ay madaxda maamullada ku yeesheen magaalada Garoowe, iyadoo ulajeedka ugu weyn yahay sidii loo dhisi lahaa ciidamo gaar ah oo maamulladan leeyihiin.

Sida qorshaha uu yahay, waxaa la filayaa in laga soo saaro shirkan war-murtiyeed ku saabsan waxyaabihii laga wada hadlay.

Halkaan hoose ka dhageyso:

Goobjoog News