U bood dhigaalka

Dhageyso: Siyaasi Cabdi Barre Oo Si Kulul U Dhaliilay Villa Somalia

Sheeko:Amniga

Xildhibaan hore ayaa sheegay in madaxda Villa Somalia ay qaadanayso masuuliyadda dagaalka siyaasadeed ee maamullada kala dhaxeeya.

Siyaasi Cabdi Barre Jabriil oo wareysi siiyay Goobjoog News ayaa wax ka weydiinay caqabadaha ka dhalan kara khilaafka siyaasadeed ee u dhaxeeya dowladaha gobollada iyo Madaxtooyada Soomaaliya.

Wuxuu sheegay in masuuliyadda wixii ka dhasha dagaalkaasi siyaasadeed ay qaadanayaan madaxda u sarreeysa dalka sida Madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha.

Wuxuu tilmaamay in dalkani la doonayo in laga gaarsiiyo doorasho cod iyo qof ah islamarkaana aynaan muuqan dhabbihii loo mari lahaa.

Dhanka kale, xildhibaan hore Cabdi Barre ayaa su’aalnay hadalkii siyaasiyiinta Soomaaliyeed ay siyaabo kale duwan u qaada dhigayeen maalmahani oo madaxweynaha qaranka Maxamed Farmaajo uu ka jeediyay Muqdisho maalinkii khamiista ee aynu ka soo gudubnay, kaasoo madaxweynaha siyaasiyiinta mucaaradsan maamulkiisa uu ugu yeeray kalmadda ah “Siyaasiga Xanaaqsan”.

HALKAN HOOSE KA DHAGEYSO:

Goobjoog News