U bood dhigaalka

Dhageyso: Siyaasi Ciise Faarax “Madaxda Villa Somalia Joogta Waa In Ay Talada Miiska Dhigaan”

Sheeko:Dalka

Siyaasi Ciise Maxamuud Faarax oo xilal kale duwan ka soo qabtay Puntland ayaa Goobjoog News wareysi uu siiyay kaga hadlay xaaladda guud ee Soomaaliya gaar ahaan dhinaca siyaasadda, isagoo ku dheeraaday khilaafyada iminka ka dhex aloosan dowladda dhexe iyo dowladaha xubnaha ka ah ee shanta ah.

Wuxuu sheegay in madaxda hadda joogta Madaxtooyada  Soomaaliya aynaan daacad ka ahayn in wadanka horay looga dhaqaajiyo halka uu iminka joogo, oo laga saaro marxaladaha qalafsan oo ay horreeyaan caqabadaha amniga iyo siyaasadaha iska soo horjeeda.

“Wallaahay waxaa isleeyahay horta Ilaaheey waxaan ka baryayaa in umadda Soomaaliyeed wixii kheyr ah inuu tuso, in madaxweynaha Soomaaliya iyo Raysal wasaaraha waxaa la rabaa inay iska dhaadhiciyaan laba waxyaabood oo muhiim ah inay sameeyaan war waqtiga aad joogtaan waa wax iska yar midda labaadna waxaa weeye waxaa loo baahan yahay Soomaaliya wax walba kama qaban karaan  arrin oo muhiim ah, wali waa cakiran tahay wali Shabaab baa heysta qeybo kamid ah ciidamadii AMISOM baa jooga marka waa inay qodobo sheegaan oo ay dhahaan intaan iyo intaan baa qabanaynaa oo dowlad goboleedyadana ay kala shaqeeyaan, waxaase muuqata in qolo kasta ay dhinac wax u wadato” ayuu yiri siyaasi Ciise Maxamuud Faarax.

Madaxda ugu sarreeya dalka ayuu ugu baaqay inay xaaladda cagaha dhulka u dhigaan.

Xukuumadda Muqdisho ayuu ku dhaliilay in ay tahay mid Villa Somalia uun ku eg oo aysan jirin tabar iyo taag gobollada kale ah isagoo sheegay in dalka intiisa badan ay dowlad goboleedyada gacanta ku hayaan.

Sidoo kale,waxaan wax ka weydiinnay caqabadaha ay ku sababi karaan isla gudaha maamullada Puntland iyo Galmudug oo maadxweynayaasha maamulladaasi ku xigeennadooda ay ku gacan-seyreen qodobadii shirkii Kismaayo laga soo saaray sabtidii la soo dhaafay.

HALKAN KA DHAGEYSO:

Goobjoog News