U bood dhigaalka

Dhageyso: Siyaasiyiin Ku Taliyey In Xilka Laga Qaado Madaxweyne Waare

Sheeko:Dalka

Siyaasiyiin kasoo jeedda deegaannada Hirshabelle ayaa ka hadlay khilaafka soo noq noqday ee maamulkaasi.

Waxa ay sheegeen in xalka ugu dhow ee khilaafyada kusoo noqnoqday Hirshabelle ay tahay iyadoo meesha laga saaro madaxweynaha iminka talada haya ee Maxamed Cabdi Waare.

C/kariin Nuur Xasan, wasiirkii hore ee bay’ada Hirshabelle oo ugu horreyn hadlay ayaa sheegay in khilaafyada badan ee kusoo noqnoqday maamulkaan uu sabab u yahay hoggaanka hadda jira oo shaqadoodu aanay hufneen.

Wasiir ku xigeenkii hore ee wasaaradda ganacsiga Hirshabelle, C/laahi Cali Cilmi ayaa isna sheegay in uusan dhammaaneyn khilaafkan inta laga helayo isbedal dhab ah oo dhanka hoggaanka.

Sidoo kale, aragti tan la mid ah waxaa qaba wasiirkii hore ee wasaaradda qorsheynta Horshabelle, Maxamed Cabdi C/laahi Gabiley, isaga oo tilmaamay in mooshinka laga keenay madaxweyne Waare yahay mid sharci ah.

Xildhibaanno, siyaasiyiin iyo aqoonyahanno kasoo jeeda Hirshabelle ayaa qaba aragti ahaan in meesha uu ka baxo madaxweyne Waare oo ay sheegeen in shaqadii loo baahnaa aanu qaban.

Mudanayaal ka tirsan baarlamaanka Hirshabelle ayaa mooshin kalsooni kala noqosho ah waxa ay shalay ka keeneen madaxweynaha maamulkaasi Maxamed Cabdi Waare, waxaana ka guddoomay mooshinkan guddoomiyaha baarlamaankaasi.

Halkaan hoose ka dhageyso:

Goobjoog News