U bood dhigaalka

Dhageyso: Somaliland “Farmaajo Markuu Yimid Ayay Hakad Galeen Wada Hadallada”

Sheeko:Amniga

Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye oo kamid ah gollaha wakiillada baarlamaanka Somaliland ayaa wareysi uu siiyay Goobjoog News wuxuu xukuumadda Muqdisho dusha u saaray masuuliyadda wada hadalladii labadii dhinac.

Wuxuu sheegay xildhibaanku in Somaliland ay soo jeedisay in loo wada hadlo sidii laba dowladood oo siman, arrintaas ay ka dhaga fureysatay madaxtooyada Soomaaliya.

Xildhibaan Axmed Diiriye oo soo hadal qaaday hakadka ku yimid wada hadalladii Somaliland iyo Soomaaliya ayaa xusay in la isku afgartay in laga wareejiyo dalka Turkiga oo ay u arkaan mid aan dhexdhexaad ahayn.

Waxaa kaloo uu iska fogeeyay in Somaliland ay shuruudo adag ku xirtay wada hadalladii Dowladda federaalka iyo Somaliland.

Wada hadalladani oo dhowr jeer ka qabsoomay dalalka kala ah Turkiga, Imaaraadka iyo Jabuuti ayaa wali waxaa lagu guuleysan in ay ka soo baxaan heshiis dhammeystiran.

HALKAN KA HOOSE KA DHAGEYSO:

Goobjoog News