U bood dhigaalka

Dhageyso: Somaliland Oo Ka Hadashay Wada Hadalladii Dowladda FS Iyo Dacwad Ay Ka Gudbisay Puntland

Sheeko:Amniga

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay inay ka shaqeynayso qorshooyin dib loogu bilaabayo wada-hadallada  Somaliland.

Ra’iisul wasaare kuxigeenka Soomaaliya, Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) wuxuu markii ugu horreeysay sheegay dowladda Federaalka inay qorsheysay kulan fool ka fool ah oo ay yeeshaan madaxweyne Farmaajo iyo madaxweynaha Soomaaliland Muuse Biixi.

Arrintaas waxaa ka jawaabay wasiirka arrimaha dibadda Somaliland DR Sacad Cali Shire.

Wuxuu sheegay wasiirku in  bishii February ee sanadkan in Madaxweyne Muuse Biixi iyo Farmaajo ku kulmeen Jabuuti, kadibna wadahadalka dib loo furayo.

Wuxuu sheegay in wadamada gobolkani oo heshiisyo ka gaaray colaado u dhaxeeyay sanado badan ay ka duwan tahay qadiyadda Soomaaliya iyo Somaliland.

Wasiirka ayaa ka hadlay waxa hortaagan in ay wada hadallo yeeshaan dowladda federaalka iyo maamulka Somaliland.

Sacad Cali Shire ayaa daboolka ka qaadya in bulshada caalamka uga dacwootay maamulka Puntland kadib markii dhowaan uu booqasho ku yimid magaalada Baran ee gobolka Sanaag madaxweyne Cabdiweli Cali Gaas.

HALKAN KA HOOSE KA DHAGEYSO:

Goobjoog News