U bood dhigaalka

Dhageyso: Somaliland Oo Ku Dedaaleysa Iney Hesho Aqoonsi Daleed

Sheeko:Amniga

Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nacnac) oo kamid ah gollaha wakiillada Somaliland ayaa wareysi uu siiyay Goobjoog News kaga hadlay arrimo xasaasi ah oo ku aaddan wada hadalka dowladda federaalka iyo Somaliland iyo arrinta dekadda Berbera.

Wuxuu ku eedeeyay xukuumadda Soomaaliya in aynaan doonayn in loo wada hadlo laba dowladood oo kale, islamarkaana Somaliland ay u aqoonsato.

Xildhibaan Axmed Nacnac ayaa daboolka ka qaaday in Somaliland aynaan jirin wax ay uga baahan tahay Soomaaliya, wuxuu soo hadal qaaday arrinta la xiriirta dhaqaalaha adduunyada ugu yaboohdo oo uu tilmaamay in dowladda federaalka ay ku guul dareysatay qorshe ay doonaysay in ay ku cunaqabateeyso.

Dhanka kale, wuxuu ka hadlay arrinta dekadda Berbera oo uu sheegay in shirkadda DP World wuxuuna tilmaamay in qorshahaasi horumarka ahi uu ka careysiiyay Soomaaliya, sida uu hadalka u dhigay.

Hoos Ka Dhageyso:

 

Goobjoog News