U bood dhigaalka

Dhageyso: Somaliland Oo Sheegtay In DFS Aanu Shaqo Ku Lahayn Ka Hadalka Dekadda Berbera

Sheeko:Dalka

Somaliland ayaa sheegtay in dowladda federaalka Soomaaliya aanay wax shaqo ah ku lahayn ka hadalka dekadda Berbera, xilli dhowaan magaalada Muqdisho uu ka dhacay heshiis ay wada gaareen dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya kuwaasi oo ah horumarinta dekadaha.

Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Sacad Cali Shire ayaa ugu horreyn sheegay in booqashadii Ra’iisul wasaaraha Itoobiya ee Muqdisho ay ka dhigan tahay un mid la mid ah kuwii uu ku tagay dalalka kale ee Africa, balse wuxuu tilmaamay in Somaliland oo kaliya xaq u leedahay in dekadda Berbera kala hadasho cidda ay u aragto iney maalgashan karto.

“Soomaaliya iyo Itoobiya jaar baanu nahaya, wixii danahooda ee ay ka wadahadlayaan iyaga ayeey gaar u tahay, laakiin arrinta berebera ka hadalkeeda wuxuu ka dhaxeeyaa Somaliland iyo cidda daneyneysa” ayuu yiri wasiirka.

Dhanka kale, wasiir Sacad ayaa sheegay in ay tagi doonaan Itoobiya si ay ula kulmaan Ra’iisul wasaaraha Itoobiya, ayna ka wadahadli doonaan xiriirka Labada dhinac.

Halkaan hoose ka dhageyso:

Goobjoog News