U bood dhigaalka

Dhageyso: Somaliland “Qunsuliyaddii Itoobiya Lama Xirin, Been Weeye Warkaas”

Sheeko:Amniga

Wasiir ku xigeenka Arimaha dibada Somaliland Liibaan Yuusuf Cismaan ayaa waxaa uu ka hadley warar ay maalmihii ugu dambeeyey baahinayeen qaar kamid ah warbaahinta  oo sheegayey in albaabada loo xiray qunsiyad xukuumadda Itoobiya ay ku leedahay magaalada Hargeysa.

Wasiir ku xigeenka wuxuu afka ku ballaariyay in wararkaasi baahiyeen wax uu ugu yeeray “Cadoowga Somaliland”.

Wuxuu sheegay oo kale in la beddalay safiirkii hore oo ay mid cusub soo magacaabanayso xukuumadda RW Abiy Ahmed.

Waxaa uu tilmaamay wasiir Liibaan Yuusuf  in wararkaas ay been abuur yihiin, islamarkaana qunsiyaddii Hargeysa ee Itoobiya ay sideedii ay u shaqeynaysoshaqeynayso oo aanu jirin wax isbeddal ah.

HOOS KA DHAGEYSO:

GOOBJOOG NEWS