U bood dhigaalka

Dhageyso: Soomaali Laga Soo Celiyey Yemen Oo Cabasho Ka Ah UNHCR

Sheeko:Dalka

Qaar ka mid ah dadkii Soomaaliyeed ee laga keenay dalka Yemen ayaa cabasho ka muujiyey Hay’adda UNHCR, kadib markii ay sheegeen iney ballamo uga baxday.

Dadkan oo soo booqday Goobjoog ayaa sheegay in hay’adda u ballanqaadday markii ay soo qaadeysay in muddo Lix bil ah ay lacago siin doonto iyo sidoo  kale raashiin.

Markii ay Muqdisho yimaadeen ayeey sheegtay iney uga baxday oo laga soo eryey xarunta ay ku leeyihiin magaalada Muqdisho.

Qaarkood ayaa sheegay in Muqdisho aanay dad u joogin, ehelkoodana ku nool yihiin gobollada dalka, balse aysan haysan wax ay ku aadaan.

Halkaan hoose ka dhageyso:

Goobjoog News

Mawduucyada:Banaadir