U bood dhigaalka

Dhageyso: Soomaalida Ku Nool Nairobi Sidee Ayeey u Arkaan Guusha Kenyatta?

Sheeko:Dalka

Doorashadii ka dhacday dalka Kenya waxaa ku guuleystay Uhuru Kenyatta oo xilkaasi horey u ahaayey.

Soomaalida ku nool magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa aragti kala duwan ka qabay hannaanka ay u dhacday doorashada, waxaana qaarrakood ay sheegeen iney aad u taageerayeen Uhuru oo ay sheegeen iney u arkaan shaqsi isbedel keenay.

Waxay dadku yihiin kuwo weli ku jira guryahooda, sababtuna waxay tahay aad ayeey uga baqayaan in rabashado ay dalkaasi ka dhacaan, walow ammaanka uu yahay mid deggan.

Fardowso Cabdi Aadan oo la hadashay Goobjoog News, waxay sheegtay in baqdintii ugu darneyd ay soo gudbeen, dadka badina ay ka baqayeen inuu guuleysto Ra’ila Odinga.

Waxaa jira dad badan oo Soomaaliyeed oo markii ay soo dhoweyd doorashada isaga sii tagay Nairobi si aanay u saameyn haddii doorashada la isku qabsado.

Xarumaha ganacsiga ee Soomaalida weli waa kuwo xiran, waxayna la mid yihiin ganacsatada kale, maadaama shaqsi walbo uu hantidiisa u baqay in dhibaato loo geysto.

Halkaan hoose ka dhageyso

Goobjoog News