U bood dhigaalka

Dhageyso: Taliska Booliska Oo Ka Hadlay Dilal Ka Dhacay Muqdisho

Sheeko:Amniga

Taliyaha Hoggaanka Waaxda Canshuuraha ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Janeraal Cabdullaahi Xasan Bariise ayaa ka hadlay dilal 24-kii saac ee la soo dhaafay ka dhacay gudaha magaalada Muqdisho.

Wuxuu sheegay in kiisaskaasi uu gacanta ku hayo taliska booliska Soomaaliyeed.

Jeneraal Bariise ayaa intaas ku daray in mararka qarkood falalka amni darro dd ay u qabtaan Ciidamada Booliska alse ay jiraan mas’uuliyiin dadkaasi dambiilayaasha ah difaacaya.

Wuxuu soo hadal qaaday falal ay kamid yihiin gabadh ardayad ah oo Muqdihso todobaadkani lagu dilay, Gabadh kale oo maanta Jaamacad ay dhiganaysay lagu dhex dilay iyo wiil isna isla Muqdisho lagu dilay oo shacab ah.

HALKAN HOOSE KA DHAGEYSO:

Goobjoog News