U bood dhigaalka

Dhageyso: Taliska Ciidanka Puntland Oo Sheegay In Aanu Saameyn Doonin Khilaafka Siyaasadeed Ee Soomaaliya Iyo Imaaraadka

Sheeko:Dalka

Taliska Ciidanka Badda ee Puntland Ayaa Sheegay In Arrimah Khilaafka Diblomaasiyadeed ee Soomaaliya mIyo Imraadka aanay saameyn ku yeelan karin Dhankooda.

Taliyaha Ciidanka Badda Puntland Admiral Cabdirisaq Diiriye Faarax ayaa Wareysi Gaar ah oo uu siiyey Goobjoog News waxa uu ku sheegay in dawladda Imaaraadka ay ka filayaan inay kor u qaadaan Tabarrada iyo taageerada ay siiyaan ciidanka Badda Puntland ee gacanta ku hayaan,
waxaa uu sidoo kale sheegay in khilaafka diblomaasiyadeed ee Labada dal aysan marnaba Dhankooda saameyn ku yeelan karin.

Diiriye ayaa sheegay in ciidanka PMPF ay kaalin wayn ka qaataan sugidda Amaanka Puntland sida la dagaallanka Al-shabaab, Daacish iyo Burcad badeeda.

“Ciidanka Badda Puntland waa ciidan abaabulan, shaqadooda wey qabtaan..shaqada sidii loogu talogalay bay u socdaan iney ka sii xoogeystaan maahee dib uma soo dhacayaan… dowladda Imaaraadka Tababar fiican ayeey ina siiyeen, waxay inoo sheegeen saraakiishooda iney si wanaagsan u garab taagan yihiin ciidankaan”

Halkaan hoose ka dhageyso wareysiga:

Goobjoog News