U bood dhigaalka

Dhageyso: Taliska Ciidanka Xoogga oo iska Fogeeyay Dhacdadii Gololeey ee Lagu Xasuuqay Dhaqaatiirta

Sheeko:Amniga

Taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed Jeneraal Odowaa Yuusuf Raage oo xalay shir jaraa’id ku qabtay magaalada Deegaannada Galmudug ayaa waxa uu ka hadlay dhacdadii ka dhacday deegaanka Gololeey ee lagu laayay dhaqaatiir halkaasi ka howlgeli jirtay.

Jeneraal Odowaa ayaa waxa uu ka dhawaajiyay in dadka ku eedeynaya falkaasi ciidanka xoogga ay yihiin dad u adeegaya cadowga sida uu hadalka u dhigay isaga oo intaas raaciyay in ciidanka aysan shacabka dilin balse taas badlkeeda ay dadka shacabka ah u adeegaan.

Dhanka kale taliyaha ciidanka xoogga ayaa falkii ka dhacay deegaanka Gololeey ee gobalka Shabeellaha dhexe waxa uu ku eedeeyay inay ka dambeeyeen Al shabaab isaga oo tilmaamay in falkaasina uusan ahayn mid ugub ah islamarkaana Al shabaab falalka caynkaas oo kale ah looga bartay.

Al shabab iyaguna waa ay iska fogeeyeen inay ka dambeeyeen xasuuqaasi oo haatan la soo warinayo in lagu wado baaritaan natiijada ka soo baxdana laga dhursugayo.

Ehelka marxuumiinta lagu xasuugqay Gololeey oo iyagu warbaahinta la hadlay waxa ay falkaas ku eedeeyeen ciidanka dowladda federaalka Soomaaliya.

Ugu dambeyn taliye Odowaa ayaa sheegay in la sameyn doono baaritaan ku aaddan sida dhabta ah oo ay wax u dhaceen islamarkaana gobalka Shabeellaha dhexe laga sameyn doono baaritaan rasmi ah oo la xiriirta dhacdadii Gololeey

Halkan ka dhageyso codka taliyaha ciidanka xoogga

Goobjoog News