U bood dhigaalka

Dhageyso: Villa Somalia Oo Laga Reebay Munaasabadda Heshiiska Itoobiya iyo Eratariya Ee Sacuudiga.

Sheeko:Amniga

Boqortooyada Sacuudiga ayaa martigelinaysa saxiixa heshiiska nabadda ee dowladaha Itoobiya iyo Eratariya kadib markii ay soo afjareen bishii July labada dhinac colaaddii u dhaxeysay mudada 20-ka sano.

Boqorka Sacuudi Careebiya Boqor Salman Bin Abdulaziz oo goobjoog ka ah munaasadda islamarkaana Axadda soo socota lagu qaban doono magaalada caasimadda ah ee Riyadh ayay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed Cali iyo Madaxweynaha Eretariya Isaisa Afwerki ku saxiixi doonaan heshiiska iyagoo matalaya labadooda dowladood.

Illaa iminka lama shaacin sababta keentay in dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya laga reebo ka qeyb galka xafladda ballaaran ee saxiixa Heshiiska Eithiopia iyo Eritea.

Hayeeshee, waxaa loo maleynayaa inay sabab u tahay xiriirka xun uu u dhaxeeya Sacuudiga iyo Villa Somalia.

Dhowaan Boqortooyada Sacuudiga ayaa dib u soo celisay xoolihii Udxiyadda ee Soomaaliya laga dhoofiyay, waxaana taas dhaawac weyn ay u geysatay gacancsatada Soomaaliyeed.

Inta la qaddaray dhaqaale ka badan 30 million oo dollarka Maraykanka ayay khasaareen ganacsatadii xoolaha u dhoofisay Sacuudiga.

Xukuumadda Riyadh ayaa la fahamsan yahay in aynaan ku faraxsaneyn mowqifka dowladda Federaalka ee xiisadda wadamada Khaliijka, waxayna u aragtaa in Madaxtooyada Soomaaliya ay u weecatay dhanka dowladda Qadar, oo ay ku riixayaan shaqsiyaad saameyn weyn ku leh maamulka Farmaajo.

Sacuudiga oo galaangal ku leh caalamul Islaam ayaa hoos u dhigay xiriirkii kala dhaxeeyay dowladda Federaalka, sidoo kalena joojiyay taageeradii uu siin jiray, arrintaas waxaa loo sababaynayaa in  Xukuumadda Muqdisho aysan dhab ka ahayn dhex-dhexaadnimadeedii xiisadda Khaliijka ay ka qaadatay sanadkii tegay ee 2017-ka.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) oo labo jeer booqasho ku gaaray dalka Sacuudiga tan iyo markii la doortay Febuary, ee 2017, ayaa muddooyinkii dambe safaro ku kala bixiyay Eritrea iyo Eithiopia, oo min labo jeer uu booqday, isagoo qeyb ka ah hoggaamiyaasha heshiiska nabada gobolka ka shaqeynaya.

Arrintaan ayaa ku soo beegmaysa iyadoo dhowaan xukuumadda federaalku ay shaacisay in ay heshiisiineyso dowladaha Eretariya iyo Jabuuti oo muddo 10 sano ah uu ka dhaxeeyo khilaaf suntan dhanka xuduudda.

Jabuuti ayaa ku andacoonaysa in Eratariya ay xoog ku heysato jaziiradda Doumeira oo ah marrin ku yaalla badda cas muhiimna u ah ganacsiga dunida.

Hoos Ka Dhageyso Warbixinta:

Goobjoog News